NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Xoogan Oo Weli Ka Socda Mudug

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug, kaasi oo bilowday saakay soona gaaray ilaa duhurnimadii Maanta.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaalka maleeshiyaadka, waxaana dadka deegaanka Huldooyaale ay sheegeen in dagaalkaas la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiiyay 10 qof oo dhinacyada ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka tirro intaas kabadana ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Gobolka Mudug

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weli labada dhinac ay is-horfadhiyaan, isla markaana mararka qaarkood la maqlayo dhawaqa rasaasta, ayna dareemayaan cabsi xoogan oo la xiriirta Colaada ka soo cusboonaatay Huldooyaale.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka oo ay wadaan Odayaal iyo xubno kale, waxaana dagaalkaas uu yahay mid salka ku haayo Arrimo ku aadan dhul-daaqsimeedyo.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa Holdooyaale ka taagneyd xiisad u dhexeeysa labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya, taas oo la isku dayay in xal laga gaaro, balse lagu guul-dareystay, waxaana labada dhinac  horey u dhexmaray dagaalo geystay khasaaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*