NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

DAAWO Yaabkan!! Xiddig Premier League Ah Oo Xalay Rigoore U Tartami Doona Midkii Abid Ugu Xumaa Tuuray

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Fulham ee Ademola Lookman ayaa xalay qaatay rigoore u tartami doona noqoshada rigoorihii abid ugu xumaa kubadda cagta iyadoo tan iyo xalay si aad ah loo hadal hayay.

Sida ay sheegeen qaar kamida xiddigaha kooxda ree London, Lookman ayaa raali gelin ka siiyay rigoorihii uu ka qasaariyay daqiiqadii 98-aad ee kulanka isaga oo qasaariyay fursad uu kaga bar-barayn lahaa goolkii Tomas Soucek.

Iyadoo uu kulanku yahay mid 0-0 ah ayuu Souces wakhtigii dheeriga ahaa ee lagu daray goolka u dhaliyay Hammers kaddib caawin uu ka helay saxeexa cusub ee Said Benrahma.

Fulham oo uu kulan hore rigoore ka qasaariyay Mitrovic ayaa markan aamintay Lookman balse isku daygiisa oo ahaa nooca rigoore ee “Panenka” loo yaqaano ayuu si sahlan ugu dhiibay goolhaye Fabianski iyadoo uusan kubadda ku laagin awood.

Lookman ayay kaameradu qabatay isaga oo aad u niyad jabsan isla markii uu garsooraha kulanku shaaciyay dhammaadka ciyaarta iyadoo ay qaar kamida xiddigaha West Ham United garab istaageen.

Tababare Scott Parker oo kulanka kaddib ka hadlay dhacdadaas ayaa u muuqday mid aad uga cadhaysan waxa uu ciyaaryahankiisu ku kacay isaga oo sheegay inay caadi tahay in rigoore la qasaariyaa balse aysan ahayn in sidaas loo qasaariyo.

Rigooraha, wiilku waxa uu sameeyay qalad, taasi way caddahay, rigoore waad qasaarin kartaa laakiin rigoore qaabkaas uma qasaarin kartid, isagu taas wuu ogyahay, marka aad yartahay waa inaad dhakhsato wax u barato ayuu yidhi Parker.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*