NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Da’yarka Barcelona Ee Pedri Oo Isku Qoray Taariikhda Barcelona

Xiddiga da’yarka ah ee kooxda Barcelona ee Pedri ayaa sii wada qaab ciyaareedka cajiibka ah iyo waliba gool dhalinta kadib markii uu gool dhaliyay kulankii Real Betis.

Goolkiisii ​​kulankii 5-2 ay kaga badiyeen Real Betis Sabtidii, Pedri wuxuu noqday ciyaariyahankii afaraad ee ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya Taariikhda kooxda Barcelona horyaalka La Liga isaga oo jira 17 sano iyo 348 maalin.

Sidoo kale waxa uu noqday kaliya xiddigii 3-aad ee kooxda Barcelona u dhaliya gool maalinta dhalashadiisa isaga oo galay 18 jir kadib xiddigaha Fati, Bojan iyo Lionel Messi.Advertisement

Ronald Koeman ayaa ku bilaabay Pedri kulankii 5-aad ee xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray 90 daqiiqo kuankii 2-aad isaga oo arintaas ka faa’iidaysanaya ayuu isku qoray taariikhda Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*