NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Kulankii Ay Chelsea Xasuuqday Sheffield United – Xiddigii Garoonka Oo Lasiiyey Laacib Aan Wax Gool Dhalinin

Chelsea ayaa gaadhay guushii afraad oo xidhiidh ah, waxaanay meel iska saareen Sheffield United oo gool kala hormartay, isla markaana ay afar ciyaartoy oo kala duwan u dhaliyeen goolal.

Blues ayaa goolkii ugu horreeyey laga dhaliyey muddo shan kulan ah, waxaana kubbad dhulka socota goolhaye Mendy ka hoos saaray David McGoldrich, laakiin Tammy Abraham ayaa goolka barbarraha u keenay daqiiqaddii 23aad.

Aaron Ramsdale ayuu goolkiisu noqday mid u fasaxan ciyaartoyda Chelsea intaas wixii ka dambeeyey, waxaana kubbad uu meel fog kasoo tuuray Hakim Ziyech shabaqa ku leexiyey Ben Chilwell daqiiqaddii 34aad. Mar labaad ayuu Ziyech caawiye ka noqday goolka saddexaad ee Chelsea, kaas oo uu madax ku saxeexay Thiago Silva, halka uu goolka afraad ee ugu dambeeyana saxeexay Timo Werner.

Natiijadani waxay Chelsea geystay booska saddexaad ee kala-sarraynta horyaalka Premier League waxaanay ka dambaysaa Liverpool iyo Southampton, halka Sheffield United ay ugu hoosayso dhamaan kooxaha oo ay hal dhibic oo kaliya ka heshay siddeedii ciyaarood ee ay dheeshay.

Hakim Ziyech oo laba gool caawiye ka noqday, ciyaarta oo dhanna ahaa khatar weyn oo ku socday Sheffield United, isla markaana kubbadaha u kala habaynayay Blues ayaa loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaarta.

Inkasta oo aanu shabaqa soo taabanin, haddana Hakim Ziyech ayaa labada caawimood iyo bandhiggiisa ku mutaystay qiimaynta ugu sarraysay kulanka oo ahayd darajada 9

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*