NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Pierre-Emerick Aubameyang Oo Dhigay Rikoodh Aanu Doonayn Kulankii Ay Arsenal Guuldarada Kala Kulantay Aston Villa.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhigay rikoodh uuna doonayn kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Aston Villa.

Xiddiga reer Gabon ayaa ku fashilmay in uu wax laad ah ku laado goolka Aston Villa kulankii ka dhacay Emirates.

Arintaas ayaa ku dhacday Arsenal markii ugu horaysay horyaalka tan ilaa markii uu kooxda Arsenal ku soo biiray suuqii January 2018.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku fashilmay in uu samaayn ku yeesho kooxdiisa kulanka isaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed cajiib ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*