NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Leicester City ayaa hogaanka u qabatay horyaalka premier League kadib guul 1/0 ah oo ay ka gaadhay kooxda Wolves halka uu Harry Kane gool wakhti dambe ah guul ugu hogaamiyay kooxda Tottenham iyaga oo garaacay kooxda West Brom.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool ayaa bar-baro 1/1 ah kala soo laabatay Manchester halka Southampton guul raaxo leh ka gaadhay kooxda Newcastle.

Aston Villa ayaa ku soo laabatay wadada guulaha iyaga oo guul weyn ka gaadhay kooxda Arsenal halka ay Man United guul soo laabasho leh oo 3/1 ah ka gaadhay Everton.

Crystal Palace ayaa dhankeeda xasuuqday kooxda Leeds kulan ay ku badiyeen 4/1 halka ay chelsea guul ka gaadhay kooxda Sheffield United.

Ugu dambayn West Ham ayaa guul dirqi ah ka gaadhay Fulham halka ay Brighton bar-baro la gashay kooxda Burnley.

Hadaba kadib todobaad xiiso leh oo Premier League ah waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee xiddigihii ugu fiicnaa todobaadkan horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa xiddigaha ugu badan ku leh iyaga oo ku leh 3 xiddig kadib guul weyn oo ay ka gaadheen kooxda Everton.

Kooxaha Chelea, Leicester City iyo Aston Villa ayaa shaxda ku leh min laba xiddig halka kooxaha Crystal Palace iyo Tottenham min hal xiddig ku leeyihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*