NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Troy Deeney Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League

Kabtanka kooxda Watford ee Troy Deeney ayaa saadaaliyay in ay kooxda Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay horyaalka Premier Leaggue xilli ciyaareedkii hore kadib 30 sano oo ayna ku guulaysan horyaalka.

Waxa xilli ciyaareedkan la marayaa todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League iyada oo Liecester City hogaaminaysa hal dhibic-na ka horayso kooxaha Liverpool, iyo Tottenham.

Hadana Troy Deeney ayaa Liverpool u saadaaliyay in ay kooxda Jurgen Klopp difaacan doonto horyaalka ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii hore.

Isaga oo la hadlaya wargayska Mirror ayuu yidhi”Aniga shaqsi ahaan tayda 4-ta kooxood ee ugu saraysa waxa ay noqon doonaan Tottenham, Liverpool, Chelsea iyo Man City”.

Wali waxa aan aaminsanahay in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka, Man City-na kaalnta 2-aad gali doonto”.

“Kadib waxa kaalinta 3-aad iyo 4-aad gali doona kooxaha Chelsea iyo Tottenham”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*