NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Axad Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

loading...

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Axadah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Dhexda weerarka Manchester City ee Phil  Foden oo 20 jir ah ayaa loo saddex-jibaarayaa mushaharkiisa hadda, si uu qandaraas cusub u saxeexo. (Star)

Manchester City waxay danaynaysaa inay lasoo saxeexato laacibka da’da yar ee uu dhalay halyeygii Lillian Thuram ee Marcus Thuram, laakiin waxay tartan kala kulmayaan kooxaha Barcelona iyo Juventus oo kula dagaallamaya 23 jirkan Borussia Monchengladbach afka hore uga ciyaara. (Sun)West Ham ayaa dalab £30 milyan oo Gini ah ka gudbinaysa weeraryahanka reer France ee Moussa Dembele, waa se haddii ay diyaar u tahay Lyon inay iibiso 24 jirkeedan. (Sun)

Guddoomiyaha guud ee kooxda Lyon ee Vincent Ponsot ayaa daboolka ka qaaday in Arsenal ay ka mid ahayd saddex kooxood oo dalab kasoo gudbiyey khadka dhexe ee reer France ee  Houssem Aouar suuqii xagaaga ee tegay, laakiin ay dhamaan dalabyadaasi ka hooseeyeen qiimaha 22 jirkan. (Sport Witness)

Bayern Leverkusen ayaa albaabada ka xidhatay Manchester United oo ka doonaysay 21 jirka reer France e egarabka weerakra ka ciyaara ee Moussa Diaby, waxaanay iska diidday inay wax wada-hadal ah la yeelato xagaagii dhowaa. (Bild)

David Beckham ayaa doonaya inuu lasoo saxeexdo saaxiibkiisii hore ee Real Madrid ee Sergio Ramos oo uu keeno Inter Milan marka uu difaacan 24 jirka ah dhamaado heshiiskiisa Madrid, xagaaga soo socda. (AS)

Goolhayaha reer Argentina ee Sergio Romero oo 33 jir ah ayaa meel ka gaar ah kooxda Manchester United ku sameeya tababarka, iyadoo uu rajaynayo in loo ogolaan doono in bisha January uu si xor ah ku baxo. (Sun)

Weeraryahanka Tottenham Hotspur iyo xulka qaranka England ee Harry Kane oo 27 jir ah, ayaa rumaysan in kooxdiisa Spurs ay fursad weyn u haysato inay ku guuleysato horyaalka Premier League, xili ciyaareedkan. (Mirror)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta wax qoomamo ahi kama hayso inuu u ogolaaday goolhayaha reer Argentina ee Emiliano Martinez oo 28 jir ah, inuu sii joogo Premier League oo uu u ciyaaro Aston Villa. (Mirror).

loading...

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*