NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Willian Oo Kashifay Wakhtiga Ay Arsenal Ku Guulaysan Doonto Horyaalka Premier League.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Willian ayaa sheegay in ay Arsenal fursad u haysato ku guulaysiga horyaalka premier League iyo waliba koobab badan oo kae.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku biiray Arsenal suuqii xagaaga isaga oo si xor ah ugu biiray kadib markii uu dhacay heshiiskiis Chelsea.

Arsenal ayaan horyaalka ku guulaysan muddo 16 sano ah kadib markii ay guuldaro la’aanta ku qaaday horyaalka sanadkii 2004 haatana waxa ay ku jirtaa kaalinta 9-aad.

Willian oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri Arsenal waxa ay haystaa tababare fiican waxana aan haysanaa fursad fiican oo aan wakhtiga soo socda ugu guulaysan karno koobab”.

Waxa aan ku guulaysan karnaa horyaalka laakiin ma ahan xilli ciyaareedkan laakiin wixii ka dambeeya gaar ahaan xilli ciyaareedka dambe waxa aan ku guulaysan karnaa horyaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*