NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Abiy Axmed oo magacaabis sameeyey, xilli dalkaasi ay ka jirto colaad

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa uu sameeyay Magacaabis, iyada oo Madaxweynaha degaanka Amxaarada ee is casilay uu xil kale u magacaabay.

Abiy Axmed ayaa Ra’iisul  Wasaare ku-xigeenkiisa, Demokan Mekonan waxaa uu u Magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya, halka Madaxweynihii Deegaanka Amxaarada, Temesgen Tiruneh uu u magacaabay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya.

Sidoo kale Abiy Axmed ayaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya uu u magacaabay, Birhaanu Juli, halka Janeraal Ababaw Tadesse uu isna u magacaabay Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa Taliyaha Ciidamada Booliska Itoobiya waxaa uu u magacaabay, Demelash G. Michae, iyada oo tallaabadaan lagu sheegay mid lagu badbaadinayo dalkaas oo qeybo kamid ah ay dagaalo ka socdaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*