NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Casharka maanta!

Dooli ayaa Qarsho looga buuxiyay Qamasi si uu u cuno, Dooligii isaga oo aad u faraxsan ayuu yiri: Waxaan ka reeystay warwareegii aan ku raadi jiray Cuntada, Raashinka Caruurta iyo Shaxaadkii Dooliyada kale, maanta ayaan raaxeeysan karaa. (F.S: 1aad).

Maalmo kadib waxaa dhamaaday Qamadigii, waxa uuna soo taabatay Qarshada Salkeedii, Dibaddana uma soo bixi karyo ( F.S: 2aad).

Waxa uu sugayaa Cid Qamadi ugu soo shubto Qarshada si uu u sii noolaado, waxaa dhici karto in uu Qofkaa waayo, ama uu helo qofkii laakin aan loogu shubin Qamadigii uu rabay, isaguna male awood uu wax ku kala xusho.

Shan shey ayaad Casharkaan ka baran kartaa:-

1. in Waqti gaaban oo aad raaxeysato uu sababi karo Waqti dheer oo aad rafaado.

2. in Hunguriga waqtiga gaaban uu kaa go’doomiyo kuwii aad xiriirka la leheyd Waqtiga dheer.

3. in igu Shubo ey shaqeeyso waqti gaaban, kadibna ey kaa xirto Suuqa Qamadiga.

4. in aad dhumiso khiyaarka iyo xuriyadda aad naftaada ku maareyn leheyd.

5. in ey haboon tahay in go’aanka aad qaadato, waqtiga ku haboon.

Dooligaan ma taqaan?

Qore: Yahya Amir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


x