NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

FAAHFAHIN:Ciidamada AMISOM oo dad Shacab ah ku dilay Muqdisho

Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa qarax Miino lagula eegtay agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Isgoyska Fagax & xaafada Jamhuuriya  ee degmada Kaaraan.

loading...

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegay inay sahay ama raashin u wadeen Ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM oo ku sugan degmada Hurwaa ee Gobolka banaadir, waxaana qaraxa kadib ay ciidamada fureen rasaas farabadan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamada AMISOM ay ku geeriyoodeen wade Gaari Dameer, Haweeneey ay rasaasta ugu tagtay Hooygeeda halka ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo kale oo Shacab ahaa.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kaddib muddo saacado ah oo wadada u xirneyd ay iska sii wateen socdaalkooda, waxaana weli la xaqiijin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray qaraxa.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa marin u aheyd wadada jaayga ah ee agmarta Masjidka Turkiga EE ee Xaafada Jamhuuriya maadaama Biyo farabadan xireen wadada laamiga ah ee marta Isgoyska Fagax.

loading...

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*