NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Dad kale oo loo xiray dilkii loo geystay Hooyo & laba Carruur ah

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa qeybta 27aad ayaa maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo baadi goobaya maleeshiyaad hubeysan oo dilay Hooyo iyo laba Carruur ah oo ay dhashay.

loading...

Howlgalka oo ay horkacayeen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Saraakiisha Ciidamada qeybta 27aad ayaa waxaa laga sameeyay tuulooyinka kala ah, Shiiqaalow, Ruunshiqow, Ala ley iyo Bakaaroole oo hoostaga degmada Warsheekh.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtay tobaneeyo ruux oo lagu tuhmayo inay ka qeyb qaateen Colaad Beeleedyada, isla markaana ay ka dambeeyeen dilkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa wacad ku Maray inaysan joojin doonin howlgalka ilaa iyo inta ay gacanta uga soo dhigayaan dadkii ka dambeeyay dilka arxan darrada ahaa.

loading...

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*