NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Diyaar Garoowgii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Oo Ka Socota Jowhar

Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ka socota Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlka loogu tala-galay in ay ka dhacdo Doorashada ayaa haatan waxaa kusii qulqulaya Xildhibanada Baarlamanka Hirshabeelle, siyaasiyiin Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan oo halkaas gaaray, Guddoomiyeyaal degmo iyo xubno kale oo farabadan.

Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya labada Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulkaas.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ayaa waxaa u taagan Musharaxiinta Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu yahay mid siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo lagu arkayo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad iyo kuwo kale.

Goobjooge lasoo xariira shabakada biyacade ayaa sheegay in Maanta Magaalada laga dareemayo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo dhaceysa, dadkuna ay aad u hadal hayaan Arrimaha doorashada.

Goobaha Gancsiga ayaa intooda badan Maanta waxaa ay yihiin kuwo xiran, waxaana Ciidanka sugida amniga doorashada aad u yareeyeen dhaq-dhaqaada waddooyinka soo gala iyo kuwa  kabaxa howllka lagu qabanayo Doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*