NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Doorashada Uganda: Dowladda oo Mamnuucday Adeegsiga Baraha Bulshada

Dowladda Uganda ayaa soo saartay go’aan ay dalkeeda uga mamnuucayso baraha xiriirka bulshada ee xilli lagu wado in maalinta berri ah ay dalkaasi ka dhacdo doorasho madaxtinnimo.

Dowladda ayaa waxaaha bixiya adeegga internet-ka ee dalkaas oo amar ku siisay in ay gabi ahaanba hawada ka saaran dhammaan  baraha bulshada ilaa amar dambe.

Xukuumadda Uganda ayaa si gaar ah u beegsatay Facebook, Twitter, WhatsApp, Viber iyo Signal.

Uganda ayaa horay barta Facebook ugu eedeysay in ay jahawareerin ku hayso ra’yul caamka dadka reer Uganda ee ku aaddan arrimaha doorashooyinka.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Uganda ayaa sheegay in falalkii maalmihii la soo dhaafay ay ku kacaysay Facebook ay ahayd faragelin dibadeed oo lagu gacansiinayay musharraxa mucaaradka Bobi Wine.

Madaxweynaha Uganda oo dalkaas xukumayay tan iyo 1986-kii ayaa haatan u sharraxan in uu sii hoggaamiyo dalkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


x