NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Kaalintee buu Baasaboorka Soomaaligu Ka Galay Liiska Baasaboorrada Dunida ee Sanadkan?

Baasaboorka ayaa ah bug yare dunidu isku afgarato kaas oo lagu fududeeyo isu socodka dadweynaha dunida.

Dal walba waxa uu leeyaahay baasaboor ay dadkiisu ugu socdaalaan dalalka kale ee dunida taas oo halbeeg looga qaato inta jeer ee lagu safray iyo dalalka lagu tagay.

Bogga ka faallooda arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsantahay hay’adda maamusha duulimaadyada caalamak ee IATA, ayaa sanad walba soo saara liis muujinaya baasaboorrada adduunka iyo sida ay ugu kala horreeyaan fududeynta safarrada.

Baasaboorka waddanka Japan ayaa mar kale sanadkan 2021-ka kaalinta koowaad ka galay liiska baasaboorrada ugu awooda badan dunida, marka la eego inta waddan ee lagu aadi karo dal ku gal la’aanta ama dal ku galka lagu qaato garoomada diyaaradaha ee dalalka loo safro.

Baasaboorrada dalalka Japan, Singapore iyo kan South Korea ayaa ku jira saddexda kaalimod ee ugu horreeya dunida sanadkan 2021-ka iyada oo baasaboorka Jarmalka uu kaalinta saddexaad la ciriirsanayo midka Kuuriyada Koonfureed.

Liiska sanadkan ayaa la mid ah kii sanadkii tagay ee 2020-kii uu soo saaray bogga Helney, gaar ahaan marka la eego kaalmaha kore iyo kuwa ugu hooseeya intaba.

Dadka heysta baasaboorka dalka Japan ayaa dal ku gal la’aan ku tegi kara 191 dal oo caalamka, waxaana ay dal ku galka ka heli karaan meesha ugu horeyso ee ay ka galaan dalalkaas.

Muwaadiniinta waddanka yar ee Singapore, oo sidoo kale ku yaalla qaaradda Aasiya, ayaa iyaguna dal ku gal la’aan tagi kara ilaa 190 waddan oo caalamka ka tirsan.

Tobankan kaalmood ee ugu horreya liiska sanadka 2021-ka waxaa ku jira

  • Japan oo lagu tagi karo (191)
  • Singapore (190)
  • Kuuriyada Koonfureed, Jamalka (189)
  • Talyaaniga, Finland, Spain, Luxembourg (188)
  • Denmark, Austria (187)
  • Sweden, Faransiika, Portugal, Burtiqiis, Netherlands, Ireland, (186)
  • Switzerland, Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Belgium, New Zealand (185)
  • Giriigga, Malta, Czech Republic, Australia (184)
  • Canada (183)
  • Hungary (182)

Qeybta ugu hooseysa waxaa wali kaalinta ugu dambeysa ku jira baasaboorka waddanka Afghanistan, oo sannado badan ahaa midka ugu liita caalamka.

Baasaboorka Soomaaliga ayaa isla sidii sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii noqday midka shanaad ee ugu liita caalamka, waxaana liiska uga hooseeya afar baasaboor oo kala ah: Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Kaalinta 102-aad ayuu ku jiraa baasaboor Soomaaliga, waxaana dal ku gal la’aan lagu tagi karaa ilaa 33 waddan oo ku yaalla caalamka.

Pakistan ayaa baasaboorkeeda waxaa u sahlan 32 waddan, waxaana Soomaaliya ay Pakistan ka sarreysaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Baasaboorka Suuriya ayaa dal ku gal la’aan lagu tagi karaa 29 waddan, iyadoo Ciraaq keeda lagu tagi karo 28 waddan, halka midka Afghanistan lagu tagi karo 26 waddan oo kaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


x