NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle Oo Booqday Xero Ciidan Fariina Diray

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa booqday Xerada Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMSIOM ee lama-gaalay.

loading...

Yuusuf Daba-geed ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee guutada 5-aad, waxaana Saraakiisha Madaxweyne ku-xigeenka ay warbixin guud ka siiyeen howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka ka fuliyeen deegaano ka tirsan Hiiraan.

Sidoo kale Daba-geed ayaa Saraakiisha ka xog-wareysatay sida ay ugu diyaar garooween sugida amniga Doorashada Xildhibaanada dowladda Federaalka ee ka dhaceysa Baladweyne oo kamid ah deegaannada Hirshabelle ee lagu qabanayo Doorashada.

Saraakiisha guutada 5-aad Ciidamada ayaa sheegay inay wadaan dalaalo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana wadashaqeyn kala dhexeeyso laamaha amniga kala duwan ee Magaalada, wuxuuna Yuusuf Daba-geed faray Ciidanka dardar-gelinta sugida amniga

Booqashada  uu Madaxweyne ku-xigeenka ku tegay Xerada Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMSIOM ayaa waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyaha G/Hiiraan iyo Saraakiil kale.

loading...

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*