NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Masuq-Maasuqa Iyo Fashilkii Siyaasada M/Weeyne Farmaajo”Amni Majiro Xisaab Xerna Ha Sheegin 2018/2019/2020

Tan iyo Markii la soo doortay Madaxweyne Farmaajo Waxaa Sii Xumaanaya Siyaasada Arimaha Gudaha.  ee Heer Federal  Dhamaan waxaana bur-buray Nidaamkii Federalka ee ku Dhisnaa    Dowlad Goboleeyada. Madaxweeyne Farmaajo Waxa uu Weerar Xoogan Ku Qaaday in ay Sii Shaqeeyaan Maamuladaasi,Waxaana uu ka Door bidey in uu kaligii taliye Cusub ka naqdo dalka, 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Weerar Ku qaaday Maamulkii Konfur galbeed Waxaana uu ka Sameeyay Doorasho Dhiig ku daaday Waxaana Xabsi loo Taxaabay Musharaxa ka mid ahaa Musharaxiinta Muqtaar Rooboow,Waxaana lagu Soo Dhisay Madaxweeyne Gacan Taag ah waana Madaxweeyne Lafta gareen.

Sidoo kale Waxaa Weerar kale lagu qaaday Galmudug Waxaana La Burburiyay Nidaamkii ka dhisnaa Galmudug Waxaa Howlgab laga dhigay Madaxweynihii Waqtigaa Dhisnaa ee Galmudug Madaxweeyne Xaaf, Sidoo kale Waxaa la iska Horkeenay Madaxdii Galmudug Ugu danbeeyntii Waxaa lagu soo dhisay madaxweeyne Dhiig ku Daatay Doorashadiisa ee Galmudug Waa Madaxweeyne Qoor qoor.

Sidoo kale Waxaa Weerar Qaawan lagu qaaday Jubbalan Hase ahaatee Waa Loo geli wayay Laakin Waxaa weeraro kale looga Soo Qaaday Gobolka Gedo Balse wali laguma Guuleeysan.

Sidoo kale HirShabelle ayaa Weerar lagu Qaaday Waxaana laga Soo Dhisay Madaxweeyne Gacan ku Rimis ah Sidoo kale Waxaana ka dhashay Doorashadaasi Khilaaf Xoogan Oo Maanta Sababay Dhimasho ka dhacday Magalada Beledweeyne Sidoo kale Waxaa ka dhex abuurmayo Jabhado Cusub kuwaasi oo doonayo in ay iska difaacaan weerarka qaawan ee Farmaajo Iyo Fahad Iyo Cali Guudlaawe.

Ugu Danbeeyntii Waxaa Weerar kale lagu qaaday Doorashadii ka Dhacday Puntland Hase ahaatee laguma Soo Guuleeysan waxaana ay kala soo kulmeen Guuldaro Iyo Jab Xoogan.

Aminiga Dalka ;

Madaxweeyne Farmaajo Amniga Dalka Waxba kama qaban Tan iyo markii la soo doortay Waxaana ku soo kordhay amni daro Sida in Ganacsatada Guddaha Iyo Kuwa Badeecada keena laga qaado Canshuur  ayna ka qaadaan Kooxda Al.shabaab, Sidoo kale Waxaa Xirmay Isu socodka Magaalooyinka Muqdisho Iyo Jowhar, Muqdisho iyo Sh/hoose. Muqdisho iyo Baydhabo Waxaana Waddooyinka Xiray Amni daro Xoogan .

Hase ahatee Waxaa Shacabka Soomaaliyeed Mucjiso Iyo Filan-waa ku naqatay in Ciidankii qaranka loo soo tababaray in loo daabulo hal deegaan waa gobolka Gedo,  ayadoo uu ujeedka yahay in Magaalada Kismaayo laga Xureeyo Beesha uu ka soo jeedo Madaxweeyne Axmed Madoobe Waxaana la Doonayaa in loo gacan geliyo Beesha uu Ka soo jeedo Madaxweeyne Farmaajo waana Nasiib daro cusub oo laga dhaxlay Madaxweeyne Farmaajo. Madaxweynihii Qaranka ayaa Xooga Saaray Hal Gobol In uu Dowlad u naqdo.

Siyaasada Arrimaha Dibeda Iyo Fashilka ka muuqda.
Waxaa si xumaanaya siyaasadii Arimaha Dibada ee Soomaaliya Tan iyo markii uu xakunka qabtay madaxweeyne farmaajo Waxaa uu Xariirka u jaray dowladaha ay ka mid Yihiin Imaaraatka Carabta,Sacuudiga ,Masar,Jabuuti Iyo Keenya,Iyo QM, Tan ugu Daran ayaa ah ayadoo uu dalka ka jiro Amni daro ayuu dagaal ku qaaday dowlada Keenya inkastoo lawada ogsoonyahay xaalada awooda ciidanka soomaaliyeed iyo dhaqaalaha sida uu yahay Madaxweyne Farmaajo ayaan Ka Hadlin Muranka Badda Soomaaliya Iyo Keenya Waxaana Jiray Marar Badan Oo Dib Loo Dhigay Kiiska Badda,

Siyaasada Dhaqaalaha; Tan iyo Markii la soo Doortay Madaxweeyne farmaajo Dalka Lagama Hirgelin Nidaamkii ahaa Xisaab xerka Iyo Miisaan Celinta.

2018  Majirin Xisaab celin

2019 Majirin Xisaab celin

2020 Majirin Xisaab celin

Waxaana ka dhacay Doodo badan Hase ahaate Barlamankii Shaqada ku lahaa waxba kama qaban Waxaana ay u Muuqatay Xildhibaanada kuwa qaatay Laaluush Oo aan marna ka Hadlin Halka uu Maryo Xisaab Xerka Dalka Balse Waxa la arkaa kaliya miisaaniyad la ansixinayo.Ma Jirto Xisaab Xer.

Dhanka Masuq maasuqa iyo Cadaalad Darada ka Dhex Jirta Heey’adaha Garsoorka iyo Xafiisyada Doowlada:

Shacabka soomaaliyeed ayaa Quus ka istaagay Nidaamka uu ku shaqeeyo Garsoorka dalka Waxaana laga qaadaa lacago badan oo laaluush ah si  loogu Xakumo waxii ay xaq u lahaayeen  , Laakin Dhanka kale Shacabka ayaa Doorbiday in   ay Cadaalad u Doontaan Dhanka Al.shabaab ayagoo ka Helayo Cadaalad Sida ay u Arkaan.

Masuq-maasuqa- Xafiisyada ka jira Shaqaalaha Dowlada waxaa lagu qoraa nidaam qabiil ah waxaana jira kuwa diiwaan gashan balse aan u shaqa tagin goobaha ay ka shaqeeyaan, Waxaa la magacaaba Safiiro Ku Dhisan Hab qabiil Waana Nasiib daro Xoogan oo ku soo korortay tan iyo markii uu Madaxweeyne Farmaajo qabtay Xakunka

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso www.biyacade.com/  waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa Wanaagsan 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


x