NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Maxaa Ka Jira Hub loogu Talo-galay Galmudug loona weeciyay Gedo ?

Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa  sheegaya in hub dhawaan loo qaaday deegaanada Maamulka Galmudug loo weeciyay gobalka Gedo.

loading...

Xogta   ayaa sheegeysa in hubkaan oo diyaarad looga qaaday Muqdisho la geeyay Galmudug lana sheegay in lagu xureyn doono deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab islamarkaana maalmo kadib diyaarad kale looga qaaday waxaana la geeyay Gedo.

Lama oga sababta ka dambeysa hase yeeshee hubka ayaa waxaa gacanta ku haayay ciidanka dowladda ee ku sugnaa Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in amar Muqdisho laga siiyay hubkaas loo weeciyay gobalka Gedo.

Gobalka Gedo oo ka tirsan Jubbaland waxaa ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana ka taagan muddo sanado ah xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo hore halkaas ugu dagaalamay.

Sidoo kale Galmudug ayaa wali arintaan ka hadlin hase yeeshee waxaa jira cabasho hoose oo ay u gudbiyeen R/Wasaaraha Somalia isagoo u ballan qaaday in dhowaan hub kale soo gaari doono.

Hubkan la geeyey Gedo ayaa imanaya ayada oo maamulka Jubaland uu dalbaday in ciidamada dowladda laga saaro gobolka, haddii aan sidaas la sameynna aysan gobolka ka dhici doono doorashada xildhibaanada baarlaman

loading...

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*