NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

WAQTIGA IYO DHALLINYARADA MAANTA W/Q: DAHABO HASSAN GUURE

Waqtiga iyo dhallinyaradu waa labo mawduuc oo mid walba haddii gaarkiisa looga hadlo aan la soo koobi karin muhiimadda iyo faa’iidada ay u leeyihiin nolosha. Waa labo wax oo isu baahan, balse, aad isu mooggan kolka loo eego sideysan u kala faa’iidaysan. Dhallinyaranimaduna waa waqtiga ugu muhiimsan ee aadanaha soo mara, waa waqtiga kaliya ee si gaara xoogga ay u saartay diinteennu in badanna Nabigu (S.CW.) innooga warramay inuu yahay; xilli si gaara la isu waydin doono. Waxaa ka mid ah axaaddiithta looga hadlay dhallinyara-nimadu inay tahay xilli si gaara la isu waydiin doono. Xadiith uu inoo soo warinayo: Ibnu Cabbaas (Alle ka raalli noqdee), inuu yiri suubanahu: (csw) [shan ka faa’iidayso inta aysan shan kugu imaan:

  1. Dhallinyaranimadaada ka hor intuusan kugu imaan gabawgu.
  2. Caafimaadka inta aanu kugu imaan xanuun.
  3. Qaninimada inta aanu faqri kaa daba imaan.
  4. Jaaniska iyo waqtiga firaaqada inta aanu mashquul kugu imaan.
  5. Noloshaada inta aysan geeridu kugu imaan.

Waxaan arkaynaa in dhallinyaranimadu ay tahay qodobka uu ugu hor mariyay Nabigu (csw), waa kan xadiith kale oo si gaara u tilmaamaya arrinka isaguna, waa xadiithka uu inoo soo warinayo: Ibnu Cumar (Alle ka raalli noqdee) inuu yiri nabigu: ”S.C.W.” Ina aadane ka dhaqaaqi maayo fagaaraha xisaabta ilaa la waydiiyo shan arrimood, ku waas oo kala ah:

  1. Cumrigiisa waxa uu ku dhaafay.
  2. Dhallinyaranimadiisa waxa uu ku dhameeyay.
  3. Maalkiisa halkii uu ka kasbaday iyo wixii uu ku bixiyay.
  4. Aqoontiisa wixii uu ku qabtay.

Iyadoo la is waydiiyay cimriga oo idil ayaa haddana dhallinyarnimada gaar la isu waydiiyay, waayoo waa xilliga ugu mudan ruuxa bini’aadamka waana xilliga kaliya ee uu qofku leeyahay watigiisa oo idil kaligii, wax badan oo mashquulinayana aysan ku xeernayn. Sidoo kale, amminku wuxuu ahaa; wax agtooda uu qiimo ku leeyahay dadkii hore ee wanaagsana, waa kan imaam Xasan Al-basri isaga oo leh: Waxaan soo gaaray qolo waqtigu uu agtooda kala qiimo badanyahay si ka daran sida uu dirhamka iyo diinaarku agtiinna qiimo uga leeyahay.

Haddii aan milicsanno taariiqihii hore iyo tan danbaba dhallinyaradu waxay ahaan jireen awood sal u ah isbeddel walbo oo ka dhaca dunidaan. Ka soo billaw diinteenna dadkii u gargaaray Suubbanahana (S.C.W. Garab istaagay ee dhabarka u dhigtay wax walba oo dhibaaato ahaa, waxay ahaayeen dhallinyaro ka dib dhimashadii Nabigana (csw) gaarsiiyay diintaan muddo ka yar 25 sano qaarado aan isu dhawayn.

Dhallinyarada aan ka tilmaami karo taariikhdeenna islaamiga ah waxaa ka mid ah; saxaabigii Sayd Ibnu Xaaritha 13 jir buu ahaa markii uu ka mid noqday saxaabadii Nabiga (csw) qur’aanka u qori jirtay, wuxuuna ahaa: ruuxii uu Nabigu s.c.w. U diray inuu barto luqadaha Siiriyaaniga iyo cibriga, muddo koobanna waa uu ku soo bartay. Waxaa ka mid ahaa: Cabdirixmaan Al-naasir oo ka mid ahaa madaxdii Andalus (Isbayn iyo Burtugal) soo martay waxaana lagu sheegay waqtigii uu talada hayay inuu ahaa: xilligii dahabiga ahaa sidaas oo ay tahay wuxuu jiray: 21-sano. Waxaa ka mid ahaa: Maxamad Al-faatix maalinkii uu furanayay Istanbuul Bersandiyiinta uu kala wareegayay wuxuu jiray: 22-sano, wuxuuna noqday; hoggaamiyihii helay bishaaradii Nabiga c.s.w.

Dhanka kale markaan u nimaanno taariikhda casriga ah iyo dunida horumartay ee aan maanta majeeranno wixii isbaddalkooda dhidibbada u taagay waxay ahaayeen; dhallinyaro waqtigooda ka faa’iidaystay. Dhammaadka kontomeeyadii iyo billawgii lixdameyadii waxay ahayd xilliyaddii ay xadhagaha goosatay kacdoonno ay arday dhallinyaro ah ay hormuud u ahaayeen kana dhalatay dalalaka Jarmal, Maksiko, Faransa, Maraykan, China, Talyaani iyo waddamo badan oo uu hanti wadaaggu hor kacayay. Haddii aan ka soo qabanno tii ugu xoogganayd ee ka dhacday dalka Faransiiska toddobaatameeyadii dadkii u istaagay isbeddel iney dhidibbada u taagaan waxay ahaayeen dhallinyaro dareentay iney baylaha u noqdeen in yar oo ku dul macaashaysa ee aan horay iyo gadaal toona u wadan muhiimna ay u arkeen iney iska kiciyaan si ay u dhisaan noloshii ay rabeen iney ku noolaadaan wax walba ha ku waayaane.

Kacdoonka wixii ka danbeeyay waxa lagu baraarugay dhallinyaradu iney tahay halis aan la dhaylsan karin isla markaana waxaa loo dajiyay nidaam lagaga mashquuliyo siyaasadda iyo isbaddaladdii ay hormuudka u ahaayeen; isla markaasna waqtiga looga dili karo, ha ahaato nidaam waxbarasho oo uu qofku ku fooraro inta ugu muhiimsan cimrigiisa ilaa 20-30 sano. Kubadda cagta iyo fanka oo dhan walba laga hor mariyay. Si dadbanna waxaa loogu sheegay dunidooda gaarka ah iney tahay dunidaas marna wabarasho aan is haysan ay baacsanayaan inta kalena amminkooda ka soo hartayna ay kubad, musik iyo musalsallo lagu mashquuliyo. Waa hir galay qorshahaasi. waana midda ilaa iyo maanta ay fagaarayaasha nolosha oo idil dhallinyaradu uga maqantahay, waqtigoodana si kasta oo ay ku dili karaan falankeeda ay hayaan. Maantana waxaa innaga qarsoonayn xaalkenna iyo sida uu yahay waxaad dareemaysa inaynaan qiimo badan siinayn kana faa’iidaysanayn waqtiga wax qabad iyo horumar aan ku tartanno ha joogte aan raad raadinayno sidii aan ku dili lahayn amminka ayna isu dhaafin lahayn.

Waana arrin halisteeda leh, waayoo, haddii aysan dhallinyaradu amminka ay haystaan ka faa’iidaysan wuxuu ku noqonayaa cadaw ku mashquuliya iyo wax aysan rabin, sidoo kalana uu noqdo waqtigu mid haga iyaga oo madaxa u galiya meel aysan mahadin hadhaw.

Ugu dambayn amminku waa cimrigeenna ka faa’iidaysan lahayn ama is dhaafin lahaynaaba, ilbiriqsi kasta oo ka tagana waa qayb ka mid ah cimrigeenna oo tagtay dib dambana aan noogu soo laaban doonin. Amminku waa shayga kaliya ee aan kayd, isug iyo waan soo iibsanaya toona aan aqbalin. Dhallinyaranimadaan waa goor uu qofku ku qabsan karo wax walba uu qorshaysto haddii uu dhaafana uu ka shalleyn doono maalin aan shalaytadu waxba u qaban karin.

W/Q: DAHABO HASSAN GUURE

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


x