NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

Wasiirka Caddaaladda Oo Kulan La Qaatay Guddiga Caddaaladda, Garsoorka & Arrimaha Diinta

Wasaiirka Wasaradda Caddaaladda Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay Guddiga Caddaaladda, Garsoorka & Arrimaha Diinta ee Golahah Shacabla BFS xalay, Waxaa sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa mas’uuliyeen kale duwan sida Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka Marwo, Xaniifa Maxamed Ibrahim, Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee dalka, Garyaqaanka Guud, iyo hawlwadeenada wasaaradda.

loading...

Kulanka ayaa looga mahad-celinayey Guddiga Caddaaladda, Garsoorka  iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka, Garyaqaanka Guud ee dalka sidii wanaagsaneyd ay ugala shaqeeyeen wasaaradda ansixinta Sharciyada iyo  Guddiyada Madaxabannaan ee dalka.

Waxaa khudabdo ka jeediyey Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Xilidhibaan, Shariif Sheekhunaa Maye oo ka warbxiyey hawlaha muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya  oo ay kala shaqeeyeen wasaaraddda isagoo ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danaha dalka. Waxaa sidoo kale bogaadiyey tallaabadan Garyaqaanka Guud iyo Ku-simaha Maxakamadda Sare ee dalka.

Waxaa kulanka soo gunaanaday khudbaddii Wasiirka oo ay isugu jirtay mahadcelin, dhiiragelin iyo dardargelin hawlaha horyaalla wasaaradda. Wasiirka ayaa si diiran ugu mahad-celieyey guddiga, garyaqaanka guud iyo hawlwadeenada wasaaradda.

loading...

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*