
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal badan ugu jirto sidii kuraasta haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin baarlamanka dalka loo gaarsiin lahaa 30% doorashada soo socota.
Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraamih Mucallimu ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri “Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu hoosta ka xarriiqay in xukuumadda federaalku ay damaanad qaaddayso sidii haweenka Soomaaliyeed ay kuraasta baarlamanka ugu yeelan lahaayeen kooto dhan 30% doorashada soo aaddan”.
Ballanqaadka Ra’iisul wasaaraha ayaa yimi kaddib kulan uu la yeeshay haween ka tirsanaa golaha baarlamanka ee uu haatan dhaamaday mudda xileedkiisu.
Kooxaha u dooda xuquuqda haweenka ayaa xukuumadda si joogta ah uga codsado in ay soo dhamystirto qoondada haweenka lana gaadhsiiyo 30% taas oo sare u qaadeysa tirada kuraasta haweenka ay ku dhex leeyihiin golaha baarlamanka.
Leave a Reply