NAGALA SOO XARIIR: BIYACADE124@GMAIL.COM

XOG: Maleeshiyo daacad u ah Shariif oo ku soo qul qulaya Muqdisho & Go’aanka DF

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan ciidankii maalin ka hor lagu soo bandhigay duleedka Muqdisho ee lagu sheegay iney ka hortagayaan boobka doorashada Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka gaadiidka dagaal ku hubeysan ayaa sheegay in ay diidan yihiin in madaxweyne farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay boobaan doorashada, waxayna shaaciyeen in maalmaha soo socda ay gudaha Muqdisho u soo geli doonaan ayna soo bandhigi doonaan cudud ciidan.

Midowga Musharxiinta ayaa ka biyo diidan doorashada halka dhinac ah ee Farmaajo uu qabanyo iyagoo ku goodiyay in dalka dib loogu celinayo 91-kii Haddii aanay xal loo helin khilaafka ka taagan Doorashada.

Go’aankii ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa dab ku sii shiday muranka ka taagan doorashada, taas oo ku aadan in Hadda wixii ka dambeeyo la guda galayo doorashooyinka.

Maamulka Galmudug, Hirshabeelle, K/.galbeed ayaa Villa Somalia waxay kula heshiiyay iney qabtaan doorashada iyadoo ay maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Cabsi dagaal ayaa laga dareemaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay kordheen dhaq dhaqaaqyada ay sameynayaan ciidanka Haramcad oo si gaar ah ugu daran howlgalada gaarka ah ee Dowladda ay fuliso.

Shacabka ayaa dareen cabsi leh ay soo wajahday waxayna dhegta u taagayaan 8-february oo ah xilligii la doortay madaxweyne Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


x